Guriga Guddoomiyihii hore ee Degmada Baydhabo oo xalay Weerar Bambooyin loo adeegsaday lagu qaaday

Talaado, February 05, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro ku qaadeen Guriga Guddoomiyihii hore ee Degmada Baydhabo Axmed Maadey Isaaq.

Weerarkaas Bambaano ee lagu qaaday Guriga Axmed Maadeey Isaaq ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 ka mid ah Ilaaladii Guriga, kuwaasi oo dhaawacooda la dhigay Isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo.

Axmed Maadeey Isaaq oo weerarkaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in uu tuhmayo in ay weerarkaas ku soo qaadeen Kooxo uu khilaaf kala dhaxeeyo oo ka tirsan maamulka Gobolka Bay, inkastoo uusan magacaabin cidda weerarka ku soo qaaday.

“Weerarka la igu soo qaaday wax xiriir ah lama lahan weerarrada ay qaadaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, wuxuuna ahaa weerarka la igu soo qaaday mid siyaasadeed”ayuu yiri Axmed Maadeey Isaaq oo sheegay in haatan baaris lagu hayo dadkii rasmi ahaan u soo abaabulay weerarka, isla markaana sharciga la hor-keeni doono marka uu kiiskaas ku cadaado.

Axmed Maadey Isaaq waxaa uu sheegay in weerarka lagu qaaday iyo mid horay loogu geystay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bay Jen. Aadan Xaashi Gaabow ay labadaba salka ku hayaan muranka ka dhex taagan maamullka Gobolka Bay.

Magaalada Muqdisho iyo Gobollo dhowr ah oo ku yaala Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan waxaa ku soo badanayay weerarro loo adeegsado Bambooyinka gacanta laga tuuro, iyadoo qaraxyadaasna ay ka geystaan kooxo ka soo horjeeda siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, dhawaan ayay ahayd markii Bambo Gacmeed lagu weeraray Guriga Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ee Magaalada Muqdisho, iyadoo weerarkaasina  uu dhaawac ka soo gaaray Xildhibaanka oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia