Sabti, February 23, 2008(HOL): Seddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa haatan waxay ku wada sugan yihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya.
Iyadoo horay ay u sii joogeen Magaalada Muqdisho Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa saaka waxaa ku biiray oo Muqdisho ugu tegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo ka soo ama baxay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Lama oga ujeedada ka dambeysa isu imaatinka seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in ay mas’uuliyiintan ka wada hadlayaan arrimo ku saabsan xaaladda Dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan tan magaalada Muqdisho oo xaaladdeeda ammaanka ay sii xumaaneyso.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in ay madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka ay ka wada hadlayaan qodobo ay isku mari la’ yihiin oo ku saabsan sida loo wajahayo dib u heshiisiinta Soomaaliya, iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Cadde uu dhowr jeer sheegay in Xukuumaddiisa ay wada hadal la geleyso cid kasta oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka ay Madaxweyne C/llaahi Yuusufna uu sheegay in ay Dowladda Federaalka la hadleyso cid kasta oo aan dagaal wax ku dooneynin, isla markaana aan ka mid ahayn Argagixisada Caalamka aqoonsan yahay waa sida uu hadalka u dhigaye.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe isaga mowqif rasmi ah oo ku aadan dib u heshiisiinta lagama hayo, inkastoo uu dhawaan Baydhabo ka sheegay in ay dowladda Federaalka Soomaaliya la dagaalameyso Kooxaha weerarrada ku soo qaada, iyadoo marka uu wareysigaas bixiyay uu dagaal ka socday Deegaano ka tirsan Gobolka Bay, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, isu imaatinka seddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay cirka isku sii shareereyso nabad-gelyo darro ka jirta magaalada Muqdisho, isla markaana ay muddo todobaad ku dhow albaabada u xiran yihiin goobaha ganacsiga ee ku yaala Suuqa Bakaaraha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia