Sabti, February 23, 2008(HOL): Labo Ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday, 5 ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax lala beegsaday Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan nawaaxiga Hotelka Ambassador.
Labada Ruux ee geeriyootay ayaa waxay kala ahaayeen Gabar yar oo hooyadeed la joogtay Biibito ay Shaah ku iibineysay oo ku taala meel aan u dheereyn halka uu qaraxa ka dhacay, halka ruuxa kale ee dhaawacmayna uu ahaa Nin Wadada iska socday, waxayna labadan ruuxba u dhinteen firir ka soo gaaray qaraxii goobta ka dhacay.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee qaraxa loola dan lahaa ayaa la sheegay in aysan wax dhibaato ah soo gaarin, marka laga reebo qal qal xooggan oo galay Ciidamadii qaraxa loola dan lahaa. Wax yar kadib markii uu qaraxa dhacay ayaa waxaa goobta tegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo nawaaxiga halka qaraxa ka dhacay ka kaxeystay dad dhowr ah.
Wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan halkii uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay tahay meel aad u mashquul badan oo ay isugu yimaadaan dad u badan kuwo aan shaqeynin oo halkaas ku qaata waqtigooda intiisa badan, sidoo kalena waxaa wadadaas inta badan isticmaala Ciidamada Dowladda, kuwa Itoobiya, kuwa Amisom iyo weliba mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax lala beegsado Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana jirtay dhowr jeer oo hore oo qaraxyo lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood ay waxyeello ka soo gaartay Qaraxii lala beegsaday.
Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku leh Xarunta Villa Baydhabo ayaa waxay dhac ka geysteen nawaaxiga Isgoyska KM5, iyagoo Dad badan oo halkaas ku sugnaa ka qaatay lacag iyo taleefoonno Mobile ah oo ay wateen, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay Ciidamadan halkaas dhac ka geystaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia