Sabti, February 23, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Gadiidka Dagaalka ayaa Maalintii shalay galinkii danbe gaaray Degmadda Dhuusa-mareeb ee Gobalka Gal-gaduud halkaa oo la filayo in Ciidamadu ay ka sameysataan Saldhig Matari.
Saraakiisha Ciidamadda Itoobiya ayaa markii ay gaareen Degmadda Dhuusa-mareen waxaa ay kulamo la qaateen Mas'uuliyiinta iyo Odayasha Gobalka Gal-gaduud oo ay ka wadda hadleen arimo u badnaa Amaanka sidda uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Degmadda Gure-ceel Cali Shiikh Xasan.
Gudoomiye Cali Shiikh waxaa uu intaa ku daray in Saraakiisha Itoobiyaaku u sheegeen in ay wataan amar ay Saldhig kaga sameysanayaan Gobalka Gal-gaduud kaa oo ka soo baxaya dhinaca Dowladda dhexe, waxaana uu intaa raaciyay in dhinacooda ay soo dhaweeyeen.
Lakiin warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Saraakiisha Itoobiyaanku ku tilmaameen Degmadda Dhuusa-mareeb in ay tahay halka laga soo abaabulo Kooxaha ka dagalama qeybo ka mid ah Gobaladda dhexe, iyagga oo dhanka sheegay in hub iyo saanad intaba laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha ee Degmadda Dhuusa-mareeb si arimahaa looga hortagana ay qasab noqotay in Ciidamada Itoobiyaaku Saldhig ka sameysataan.
Ciidamadda Itoobiya ee gaaray Degmadda Dhuusa-mareeb ayaa saldhig matari ka sameystay xeradii 21 ee Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana la filayaa sida wararku sheegayaan in sidoo kale Ciidamadu isku fidiyaan qeybo kale oo ka mid ah isla Gobalka Gal-gaduud.
Ma'aha markii ugu horeysay oo ay dagaan Ciidamadda Itoobiya Gobalka Gal-gaduud inkastoo muddo haatan laga joogo dhowr bilood ay isagga baxeen Degmadda Gure-ceel Ciidamo Itoobiya ee Saldhigga ku lahaa, waxaana lagu macneynayaan dib ugu laabashadda Ciidamadda Itoobiya ee Gobalka Gal-gaduud mid salka ku heysa dhaq-dhaqaaqa ay ka wadaan gobaladda dhexe kooxaha kacdoonka wada.
Sidoo kale Ciidamadii dhawaan ka soo guuray Degmadda Buula-burte ayaa qaar kood saldhig ka dhigtay Deegaanka Kala-beyr ee Gobalka Hiiraan oo ah goobta kaliye ee Ciidamadu ka degan yihiin Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamo Itoobiyaan ah oo Saldhig ka sameystay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud
More News
- Seddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku wada sugan Magaalada Muqdisho
- Qarax Dad ku dhinteen oo ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho
- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo la sheegay in uu Isbaheysigaas isaga baxay
- Xaaladda Suuqa Bakaaraha oo maanta degan kadib afar maalmood oo ay qasneyd
- Sen. Coleman iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal-Abuurka (SomaliPEN) oo si wada jir ah u xusay maalinta Caalamiga ah ee Afka hooyo
- Kiis la-yaab leh oo ka dhacay Maxkamadda Degmada Burco
- Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo sheegay inay dhisayaan Xafiisyadii Gobollada ee Guddiga