Sabti, February 23, 2008(HOL): Waxaa maanta degan xaaladda Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho kadib muddo afar maalmood ah oo uu Suuqaas qasnaa, isla markaana ay xirnaayeen goobihiisa ganacsiga.
Goobo aan badneyd oo ganacsi ayaa maanta la arkayay iyagoo ay furteen ganacsatadii lahayd oo aan iyagu Suuqa u soo shaqo tegin muddo afar maalmood ah, inkatsoo goobaha la furay laftooda aan albaabadooda la wada furin.
Marka laga soo tago ganacsiga yar ee maanta dib uga bilowday Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa dhanka kalena haawanayay Waddooyinka koowaad iyo labaad ee Suuqaas, kuwaasi oo ay rasaas soo raacsiinayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag.
Dabayaaqadii todobaadkii hore ee ayay ahayd markii ay cakirantay xaaladda Suuqa Bakaaraha oo in muddo ahba ahayd mid aan hagaagsaneyn, waxayna cakirnaantaas timid kadib markii ay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag, kuwaasi oo iyana markii la weeraray ku qamaamay Suuqa, isla markaana bililiqo u geystay goobo badan oo ganacsi.
Bililiqada ka dhacday Suuqa Bakaaraha iyo weliba xal u helid la’aanta mushkiladda ka taagan ayaa waxay keentay in ay badeecooyinkooda ka rartaan ganacsato badan, kuwaasi oo qaarkood ganacsigooda u rartay guryahooda, halka kuwo kalena ay u guureen Suuqyo kale oo Muqdisho ku yaala sida Xamar-weyne, Suuq Bacaad iyo Siinaay.
Ilaa iyo haatan xal looma hayo mushkiladda ka taagan Suuqa Bakaarhaa oo weli waxaa is-eeganaya Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag oo maristooda ay muhiim u yihiin ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia