Maxamed Dheere oo Ganacsataa Suuqa Bakaaraha ku eedeeyay in ay ka qeybqaateen Dagaalkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Ciidamada Dowladda

Arbaco, February 20, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ku eedeeyay in ay ka qeybgaleen dagaalkii lagu qaaday Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugnaa qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha.

"Dagaalkii ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Howl-wadaag iyo Florenza waxaa ka qeybgalay Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo la wada ogaa, waxayna taasi caddeyneysaa in aysan ganacsatada nabad rabin"ayuu yiri Maxamed Dheere oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ay la kulmeen Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha, isla markaana ay Ganacsatada codsadeen in la siiyo muddo labo bilood oo ay wax uga qabtaan ammaanka Suuqa Bakaaraha.

"Mudadii labada bilood ahayd ee la siiyay ammaan sugid kama shaqeyneynin ee waa ay ku diyaar-garoobayeen, beryahanna waxay ku shirayeen Hotel Naasa-hablood, shirarkoodiina waxaa ka soo baxday in ay weerar ku soo qaadaan Ciidamada Dowladda"ayuu mar kale yiri Maxamed Dheere oo dafiray in ganacsatada ay dowladda wax kasta u ogoshahay, isla markaana cidda dhibaatada wadda ay yihiin Ciidamada Dowladda.

Sidoo kalena waxaa uu beeniyay Maxamed Dheere in ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay falal dhac iyo bililiqo ah ka geysteen Suuqa Bakaaraha, wuxuuna sheegay in ay Ciidamada Suuqa howlgallo u galeen, kadibna ay ka soo baxeen markii ay howshooda u dhamaatay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia