Arbaco, February 20, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo galinkii danbe oo maalintii shalay ka soo dhaqaaqay Degmadda Buula-burte ee Gobalka Hiiraan iyo kooxo ka soo horjeeda ayaa habeenkii xalay waxaa u dagaal culus ku dhaxmaray halka lagu magacaabo kaboqor oo ka tirsan deegaanka Halgan.
Sida HOL u sheegeen dad ku sugan Deegaanka Garasiyaani oo aan ka fogeyn halka dagaalku dhacay waxaa mar kaliya saqdii dhaxe ee xalay la maqlay dhawaaqa hubka culus oo ay is-weydaarsanayeen dhinacyadda iska soo horjeeda kaa oo joogsaday saakay Waabarigii, waxaa warku intaa ku darayaa in markii danbe goobta lagu dagaalamay ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo gurmaday Deegaanka Kala-beyr kadib markii ay u suurta gali weyday Ciidamada Itoobiya ee dagaalka la galay kooxaha hubeysan in ay sii wataan Safarkooda.
Ilaa hadda ma'jiro wax war ah oo ku saabsan qasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay inkastoo laga yaabo in ay jiri karaa wax yeelo ka soo gaartay dadka reer miigga ah rasaasta ay isku ridayeen dhinacyadda dagaalku dhaxmaray.
Ciidamadda Itoobiya ee xalay dagaalka la galay kooxaha hubeysan ayaa dhawaan soo degan Degmadda Buula-burte kuwaa oo sheegay in ay halkaa saldhig ka dhiganayaan, balse galinkii danbe ee maalintii shalay ayaa laga war helay iyagga oo mar kaliye isagga huleelay fariisinkoodii taa oo ay dadka qaar ku macneeyeen in markii horeba ay aheyd xeelad matari.
Kooxaha habeenkii xalay dagaalka la galay kuwa Itoobiya ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay waday is abaabul la xiriira weeraro ay ku qaadaan Ciidamadda la sheegay in ay fariisinka ka dhiganayaan Degmada Buula-burte hadii ay isku dayaan in ay u soo talaabaan dhinaca Gobaladda dhexe.
Ma'aha markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku safraya watadda isku xirta Gobaladda dhexe, horaatii Sanadkii ina dhaafay ayeey aheyd markii kooxo hubeysan qarax ku weerareen kolanyo Ciidamo Itoobiyaan ah meel aan ka fogeyn Degmadda Halgan, isla Bartamihii Sanadkii aynu soo gudubnay ayaa sidoo kale Aga-gaarka Degmadda Mataabaan waxaa lagu weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday dhinaca Degmadda Gure-Ceel ee Gobalka Gal-gaduud waxaana weeraradaa dhamaatood ay sababeen qasaare isugu jira Naf iyo Maal.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo xalay ku dagaalamay Duleedka Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan
More News
- Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo bilaabay in ay Badeecooyinkooda ka rartaan Suuqaas
- Askari Itoobiyaan ah oo lagu dilay Suuqa Sarifka Lacagta ee Magaalada Baydhabo
- Xaaladda Suuqa Bakaaraha oo caadi ku soo noqoneysa kadib markii ay shalay gudaha u galeen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah
- Maxamed Dheere oo Ganacsataa Suuqa Bakaaraha ku eedeeyay in ay ka qeybqaateen Dagaalkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Ciidamada Dowladda
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo baaris ku sameeyay guriga Xildhibaan Cusmaan Caato ee magaalada Muqdisho
- C/RAXMAAN SHIFTI: "Canshuurta hadda laga qaado Dadka Muqdisho waa mid sharci darro ah oo haddii ay sii socoto keeneysa dhibaato hor leh"