Ciidamo Itoobiyaan ah oo baaris ku sameeyay guriga Xildhibaan Cusmaan Caato ee magaalada Muqdisho

Arbaco, February 20, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxay baaris ka sameeyeen Guriga uu Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Caato) ku leeyahay Magaalada Muqdisho, iyadoo aan la sheegin wax ay ciidamada ilaa iyo haatan ka heleen gurigaas.

Ciidamada ayaa markii ay baarista dhameysteen waxay kadib hadana baaris kula dhaqaaqeen Garaash uu Xildhibaanka ku leeyahay meel aan u dheereyn gurigiisa oo ku yaala agagaarka Daarta 6 Biyaano ee Degmada Hodan.

Lama oga ilaa iyo haatan waxa keenay inay Ciidamadan Itoobiyaanka ah baaris ku sameeyaan guriga Xildhibaanka, iyadoo la sheegayo in aysan jirin meel kale oo ay Ciidamada baaris ka sameeyeen.

Mar sii horeysay ayaa CIidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo baaris ku sameeyay isla guriga Xildhibaan Cusmaan Caato  waxay mas'uuliyiin u hadlay Dowladda Federaalka sheegeen in hub tiro laga soo helay guriga Xildhibaan Cusmaan Caato, inkastoo uu markaas kadib Xildhibaan sheegay in Ciidamada gurigiisa baaray ay dhaceen hanti uu lahaa oo isugu jirtay Lacag Doollar ah, Taleefoonno Thuraya ah, Saacad qaali ah iyo Dahab ay Xaaskiisa iyo Gabdhihiisa lahaayeen.

Ma jiro ilaa haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan baaritaanka ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sameeyeen guriga Xildhibaan Cusmaan Caato oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia