Arbaco, February 20, 2008(HOL): C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isla markaana ahaa Afhayeenka Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dabayaaqadii sanadkii hore lagu soo af-jaray magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay canshuuro uu maamulka Gobolka Banaadir ku soo rogay Dadka Muqdisho.
C/raxmaan Shifti waxaa uu sheegay in Canshuurahaas ay yihiin kuwo aan sharci ku fadhin oo la iska sameystay, wuxuuna tilmaamay in marka canshuur la qaadayo loo baahan yahay in loo maro qaab sharci ah, isla markaana uu sharcigaas ka soo baxo Xukuumadda, kadibna Baarlamaanka.
"Waan maqlayay canshuurta uu maamulka gobolka Banaadir ku soo rogay Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho balse waxaa is-weydiin leh maamulka sidee buu canshuurta u qaadayaa, yaase u dejiyay nidaamka canshuur qaadista, aniga waxay ila tahay in uu maamulka Gobolka hoos-tago Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadana loo baahan yahay in ay maamulka u soo gudbiso barnaamijka canshuur qaadista"ayuu yiri C/raxmaan Shifti oo sheegay in haddii ay sii socoto qaadista canshuur aan sharci ku fadhin ay taasi keeni doonto sida uu u yiri hoog iyo baaba'.
Dhanka kalena, C/raxmaan Shifti waxaa uu ka hadlay waxyaabihii uu soo kordhiyay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee uu Afhayeenka ka ahaa, wuxuuna sheegay in ay waxyaabo badan ka soo baxeen shirkaas, kuwaasi oo uu xusay In la soo dhiso Xukuumad tayo leh oo laga wada qeybgalo, isla markaana xubnaha Xukuumaddaas ay ka yimaadaan gudaha iyo dibadda Baarlamaanka, in Dib u heshiisiin lala galo dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda.
C/raxmaan waxaa uu shegay in ay ugu baaqayaan dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda in ay wada hadlaan, isla markaana ay joojiyaan dagaallada, isagoo xusay in marka la wada hadlo wax kasta xal loo heli karo, "Labo wada hadashay ayaa xal gaari kara"ayuuna yiri C/raxmaan Shifti.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia