Jimco, February 15, 2008(HOL): Madaafiic xooggan oo ay soo tuureen Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Xeradii Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha ayaa waxay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Dad rayid ah oo ku sugan guryahooda oo ku yaala Deegaanka Suuqa Xoolaha.
Madaafiicda ay soo tuureen Ciidamada Itoobiya ayaa waxay sababeen dhimashada seddex ruux iyo dhaawaca 11 ruux oo iyagoo guryahooda ku jira ay ku habsadeen madaafiic ay soo tuureen Ciidamada Itoobiya.
Goob-jooge ku sugan Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa sheegay in ay Ciidamada Itoobiya Madaafiicdaas soo rideen kadib markii lagu weeraray madaafiic kale oo Hoobiyayaal ah, iyadoo shalay galab mar ay ku laabanayeen xeradaasna lagu weeraray qaraxyo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro.
11-ka Ruux ee ku dhaawacmay madaafiicdaas ayaa waxaa dhaawacooda la dhigay Isbitaalka Keysaney ee duleedka Muqdisho, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo dad deegaankaas ku dhaawacmay la geeyo Isbitaalkaas.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Deegaanka Suuqa Xoolahana waxay sheegayaan in saaka ay xaaladda degan tahay, isla markaana ay dib u bilowdeen Dhaqdhaqaaqii Dadka, Ganacsiga iyo weliba Gaadiidka oo shalay ilaa xalay u xayirnaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa.
Dhowr jeer oo hore ayaa deegaanka Suuqa Xoolaha waxaa uga dhacay iska hor-imaadyo dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo iska hor-maadyadaasna ay keeneen in ay dad badan ka barakacaan deegaanka Suuqa Xoolaha.
Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa wuxuu yahay deegaankii ugu horeeyay oo lagu weeraray maalintii ay Ciidamada Itoobiyaanka Muqdisho ka soo galeen dhinaca Wadada Balcad, iyadoo wixii waqtigaas ka dambeeyayna ay halkaas ka dhacaan weerarro lagu qaado fariisimada ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xarunta Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia