Xukuumadda Somaliland oo soo qabqabatay Rag Afduub kula kacay Nin Jarmalka ah oo samafal u joogay Gobolka Sanaag

Jimco, February 15, 2008(HOL): Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay qabqabatay, isla markaana xabsiga u taxaabtay 5 nin oo la sheegay inay ka dambeeyeen afduub lagula kacay nin ajaanib ah oo dhalashadiisu tahay Jarmal, una shaqeeya Hay’adda GAA, xafiiskeeda Gobolka Sanaag.

Sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Sanaag Cabdicasiis Xasan, marka laga yimaaddo 5-tan nin oo afduub kula kacay Masuulka ka tirsan Hay’adda Arrimaha Beeraha ka shaqaysa ee GAA (German Agro Action) Xafiiskeeda Gobolka Sanaag, Mr. Daniel Bronkal, Xukuumadda Somaliland ayaa ku daba jirta laba nin oo kale oo la sheegay inay ku lug lahaayeen afduubkan. “Ciidamada Somaliland waxay gacanta ku dhigeen 5-tii nin afduubka kula kacay ninka Jarmalka ah, waxaanuna ku daba jirnaa laba kale oo ku lug lahaa falkan” Sidaa waxaa yiri guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Sanaag Cabdicasiis Xasan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro), ayaa sheegay in nimanka afduubka geystay ay ka yimaaddeen Maamul-gobolleedka Puntland. “Waxaan idiin sheegi karaa nimankani (Kuwa afduubka geystay) inay ka yimaadeen Boosaaso, balse hadda idinma siin karo faahfaahin intaa ka badan. Sababtoo ah baadhis baa wali socota” Sidaa waxa isna yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, oo ka hadlay arrinta nimanka la qabtay. Hase ahaatee, Maamulka Puntland, ayaa dhinac isaga leexiyay eedayntaa, isla markaana dedafeeyay. “Dadka afduubka geystay kamay iman Puntland, waana la wada ogyahay inay ka yimaadeen Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo” Sidaa waxa yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Bille Qabowsade.

Dhinaca kale, ninkan Jarmalka ah ee la afduubay oo markii la soo daayay, soo gaadhay Magaalada Hargeysa, ayaa isaga oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Egal International Airport, ka hadlay afdubka lagula kacay. “Si xun laylama dhaqmin, balse waad malayn kartaa siday xaaladdaydu u adkayd” ayuu yiri Mr. Bronkal, oo Saxaafadda ugu waramay Madaarka Hargeysa.

Sidoo kale, ragga falkan loo qabtay, ayaa la sheegay in lagu hayo Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
 
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland