Jimco, February 15, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in gaari ay saarnaayeen oo ah nooca ay Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha uu kula rogmaday Deegaanka Gasarta oo uu dhaxeeya Degmooyinka Buur-Hakaba iyo Baydhabo ee Gobolka Bay.
Shilkaas gaari ee ku dhacay Ciidamada Dowladda waxaa uu sababay inay dhintaan labo Askari 7 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaaraan, kuwaasi oo haatan dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaalka guud ee Baydhabo.
Dr. Maxamed Xuseen Timir oo ah Agaasimaha Isbitaalka Baydhabo ayaa xaqiijiyay shilka ay galeen Ciidamada Dowladda, wuxuuna sheegay in haatan Isbitaalka lagu daweynayo 7 Askari oo qaarkood xaaladdooda ay tahay mid daran.
Sababta keentay in uu gaarigaas rogmado ayaa waxaa lagu sheegay in ay isugu jirto labo arimood oo kala ah iyadoo uu gaariga si xowli ah ku socday wadada oo burbursan, isla markaana uu kaxeynayay darawal aan si wanaagsan u aqoonin kaxeynta Gaadiidka.
Dhanka kalena, Darawallada kaxeeya Gaadiidka BL-ka ah ee isaga kala goosha Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxay ka cabanayaan lacag badan oo looga qaado Isbaarooyin 9 gaaraya oo ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka dhigteen inta u dhaxeysa Degmooyinka Buur-Hakaba iyo Baydhabo, iyadoo Isbaaradiiba looga qaado lacag u dhaxeysa 50 ilaa 100 Kun Shillin Soomaali ah, taasi oo ah mid aaney bixin karin Gaadiidleyda Wadadaas ka shaqeeya sida ay iyaguba sheegeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia