Jimco, February 15, 2008(HOL): Xildhibaan Maxamuud Axmed Kulalihi oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay jir-dil u geysteen rag ilaalo ka ah xarunta Hay’adda UNICEF ee magaalada Baydhabo oo uu u tegay arrimo uu ka lahaa.
Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Jir-dilka lagu sameeyay mar uu gaaray iridka Xarunta Hay’adda UNICEF, halkaasi oo ay isku af-dhaafeen rag ilaalo ka ah xarunta, kuwaasi oo aakhirkii sida uu yiri kula kacay fal jir-dil ah.
“Aniga oo doonaya in aan galo xaurnta Hay’adda ayaa waxaa iridka iiga hor-yimid rag ilaalo ka ah Xarunta Hay’adda UNICEF ee magaalada Baydhabo, kadibna waxaan u sheegay in aan Xildhibaan ahay, isla markaana aan meesha ballan ku leeyahay, waxayna igu yiraahdeen {Xildhibaan keen Bastooladda}, anigana waxaan u sheegay in aanan qaadan Bastoolad iyo wax la mid ah, kadibna waxaa na dhexmaray muran ku saabsanaa in aan albaabka ka gudbo iyadoo aan la i baarin, taasi oo keentay in ay gacan ii qaadaan raggii ilaalada ahaa ee albaabka joogay”ayuu yiri Xildhibaan Kulalihi.
Xildhibaanka waxaa uu intaas ku daray in markii uu damcay in uu dacweysto raggii jir-dilka u geystay uu ninka heysta ilaalada Hay’adda UNICEF ee Baydhabo oo lagu magacaabo Isaaq Cali uu ku dooday in aan ragga ilaalada ka ah Hay’adda aan loo kaxeyn karin sida qof caadi ah, isla markaana ay leeyihiin xuquuq u gaar ah oo lagu dhowro, hayeeshee ugu dambeyntii lagu guuleystay in ay isla tagaan Saldhigga Booliska Baydhabo, isna la faray in dhibka loo geystay uu dhaqtar ula tago, dabadeedna uu warqad caddeyneysa ula yimaado, “Markii aan warqaddii soo qaatay oo aan ku laabtay Saldhigga ayaa waxaa la ii sheegay in raggiiba la sii daayay oo aanan la xirin”ayuu yiri Xildhibaan Kulalihi oo sheegay in uusan ka hari doonin ragga jir-dilka ku sameeyay isagoo weliba ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, in isagoo Xildhibaan ah la weydiiyo Xildhibaan Kulalihi in uu soo dhiibo Bastoolad ayaa waxaa keenay iyadoo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya la arkay iyagoo Bastoolado la gelaya Xarunta ADC-da ee uu ku shiro Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo taasina uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ka soo saaray amar lagu mamnuucayo in xarunta Baarlamaanka hub lala soo galo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia