Dagaal Deegaanno ka tirsan Degmada Diinsoor ku dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Xooggag ka soo horjeeda

Jimco, February 01, 2008(HOL):  Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu saaka dagaal xooggan ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Diinsoor iyo Deegaanka Misirre ee Gobolka Bay.

Dagaalkan  oo la sheegay in uu u dhaxeeyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogag ka soo horjeeda ayaa waxaa la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo daryanka madaafiicda ay labada dhinac isu adeegsanayeen laga maqlayay meelo ka fog halka uu dagaalka ka dhacay.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu qarxay kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ka soo tegay Degmada Diinsoor ay dhexda u galeen Kooxaha ay dagaalka iskala soo horjeedaan, iyadoo ilaa haatanna aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid ka tirsan labada dhinac ee dagaalamaya oo ka hadashay dagaalka ka dhacay Deegaannada ka tirsan Gobolka Bay, inkastoo ay waqti hore tahay in ay labada dhinacba ka hadlaan dagaalka iyo khasaaraha uu geystay.

Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii uu dagaal ka dhacay isla meesha uu haatan dagaalka ka socday, iyadoo la xusuusan yahay in dagaalkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay labadii dhinac ee dagaalamayay.

Dagaallada aan dhamaadka lahayn ee haatan ka socda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo weliba deegaano ka tirsan Gobollo kale oo Soomaaliya ka tirsan ayaa markoodii hore waxay ka soo bilowdeen Gobolka Bay, gaar ahaan deegaannada ay haatan labada dhinac ku dagaallamayaan, iyagoo kadibna u gudbay dhinaca Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia