Wariyayaal si xirfadeysan loogu dhacay Muqdisho

Jimco, February 01, 2008(HOL):  Wariyayaal ka howlgala Idaacadaha Magaalada Muqdisho qaarkood ayaa waxaa dhawaan si xirfideysan dhac ugu geystay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wariyayaashan oo ku sugnaa xarumaha Idaacadahooda ayaa waxaa u yeeray nin isugu sheegay in uu yahay Sarkaal heysta Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Xaafadda Geed Jaceyl, sidaas darteedna uu rabo in ay wariyayaasha u yimaadaan si ay uga qeyb-qaataan shir jaraa’id oo uu qabanayo.

Wariye C/risaaq Yuusuf Cabdalla Kampala oo ka tirsan Wariyayaasha la dhacay ayaa sheegay in markii uu hore uu ninkaas isaga soo wacay kadibna uu isaga u yeeray Wariyayaasha kale, wuxuuna intaas ku daray in intii aysan gaarin halka uu ku sugnaa ninka u yeeray ay ku wada xiriirayeen taleefoonno mobile ah.

“Waan is-raacnay aniga iyo Wariyayaashii kale ee aan u yeeray, waxaana na soo wacay mar aan mareynay meel u dhow Isgoyska Florenza ninkii na soo wacay oo noo sheegay in aan ugu nimaado meel u dhow Xaafadda Geed Jaceyl, wuxuu na soo wacay mar aan mareynay agagaarka Hotel City View oo ku yaala meel u dhaxeysa Isgoysyada Aadan Cadde iyo Florenza wuxuuna noo sheegay in uu na arkayo oo aan si toos ah u soo soconno, markii aan u tagnay oo aan gaarnay meeshii uu joogay ayuu nagu dalbaday shan askari oo la joogtay, kuwaasi oo naga qaatay wixii aan Taleefoonno iyo Rikoorro ahaa oo aan wadannay, kadibna waxay nagu amreen in aan ka tagno iyagoo diiday in ay na siiyaan alaabtii aan wadannay”ayuu yiri C/risaaq Kampala oo dhacdada qabsatay uga waramayay Idaacadda uu ka shaqeeyo ee IQK.

Ciidamadda ku sugan halka wariyayaashan lagu dhacay oo u dhaxeysa Hotelkii Daameey iyo Isgoyska Florenza ayaa had iyo jeer waxay dhac u geystaan dadka isticmaala Wadada Wadnaha, gaar ahaan qeybta ay Ciidamadaas joogaan, iyagoo mararka qaarkoodna xaafadaha dhexdooda dadka ku isbaareysta.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wariyayaashan oo aan iska hubin sida muuqata cidda shirka jaraa’id qabaneysay iyo dhab ahaanshaha in uu shirkaas jaraa’id jiray ayaa haatan kadib waxay ka fiirsan doonaan in ay si deg deg ah u aadaan meel looga sheegay in shir lagu qabanayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia