Cabaas Galeyr oo xalay Muqdisho lagu dilay
Jimco, February 01, 2008(HOL): Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay sii hayihii Xilka Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Nuur (Cabaas Galeyr).

Labo Nin oo Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay marxuumka ku dileen Baar lagu shaaho oo ku yaala Xaafadda Cadayga ee Degmada Xamar-weyne, iyadoo sidoo kalena uu halkaas ku dhaawacmay nin kale oo ka dhawaa meesha marxuumka lagu dilay.
Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyne C/llaahi Ibraahim Sahal (Gar-dhuub) oo xaqiijiyay geerida Cabaas Galeyr ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii dilkiisa ka dambeeyay, wuxuuna sheegay in marka la soo qabto sharciga la hor-keeni doono.
Guddoomiyaha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin dilka loo geystay marxuumka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu ugu baaqayo kooxaha dilalka la beegsada mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Maamulka Gobolka Banaadir in ay dilka ka daayaan.
Marxuum Cabaas Galeyr ayaa wuxuu si KMG ah ugu magacawnaa Xilka Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir muddo bil iyo dhowr maalmood ah, iyadoo xilkaasina loo dhiibay kadib markii dhawaan qarax Miino lagu dilay Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dilka loo geystay Cabaas Galeyr ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegayay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay maamul ahaa n ka dileen 9 Guddoomiye Degmo, ku xigeenno iyo dad kale oo qaali ahaa, isagoo intaas kadibna ugu baaqay dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Federaalka in ay miiska wada hadalka yimaadaan, isla markaana ay xabadda joojiyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia