Jimco, February 01, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo labo maalmood ka hor ka baxay xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale dib ugu soo noqday Xaafadihii ay ka baxeen.
Xaafadaha Taleex, Tareebuunka iyo Kaasabolbollaare ayaa saaka lagu arkayay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo gaadiid oo ay wataan oo gaaf-wareegaya xaafadahaas oo labadii maalmood ee aynu ka soo gudubnay ahaa kuwo ay dib uga bilowdeen dhaqdhaqaaqyadii Dadka iyo Gaadiidka.
Ciidamadan ayay wararku sheegayaan inay dib ugu soo noqdeen xaafadahaas kadib markii ay Kooxo hubeysan xalay weerar ku qaadeen Saldhigga Booliska Degmada Hodan, isla markaana ay halkaas kula dagaalameen Ciidamo ku sugnaa.
Dib u soo noqoshada Ciidamadan ayaa waxay khilaafsan tahay hadal uu bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin, kaasi oo sheegay in sababta Ciidamada looga qaaday fariisimada ay ku sugnaayeen ay tahay mid shacabka loogu daneynayo, isagoo weliba caddeeyay in gebi ahaanba la furi doono waddooyinka xiran ee magaalada gudaheeda ah.
Dad badan oo doonayay in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda oo ay labo bilood ka maqnaayeen ayaa haatan waxay dib u liqeen hamigoodi ahaa in ay guryahooda ugu soo noqdaan, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay dib u soo noqdeen Ciidamadii ay ka carareen.
Labadii maalmood ee ay dib u bilowdeen dhaqdhaqaaqyadii dadka iyo gaadiidka xaafadaha ay Ciidamada ka baxeen ee Degmada Hodan ayaa waxaa si weyn ugu farxay dad badan oo u soo ganacsi tegi jiray Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo ay danta ku kalifi jirtay in ay meelo fog uga soo wareegtaan Suuqa Bakaaraha oo markii hore ay si sahal ah ku geli jiray, gaar ahaan marka ay isticmaalayaan Wadada Wadnaha inta hoos-tagta Degmada Hodan.
Si kastaba arintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xaaladdeeda waxay sii noqoneysaa mid cakiran, waxaana sii yaraanaya dadka ku nool waayo dadku waxay xamili waayeen dagaallada, qaraxyada iyo dilalka aan dhamaadka lahayn ee waqti kasta ka dhaca, tiiyoo ay xusid mudan tahay in uusan dalka lahayn Isbitaallo ay dhameystiran yihiin adeegyadooda Caafimaad.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia