![]() |
| Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin |
Madaxweyne Rayaale oo Shir-jaraa’id oo Munaasibaha Ciidda aan looga baran, isla markaana ay ka qaybgaleen tiro kooban oo Warbaahinta dalka ahi maanta ku qabtay Aqalka Madaxtooyada, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin War uu hore u shaaciyay Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Komishanka Doorashooyinka Somaliland Ismaaciil Muuse Nuur, kaas oo uu ku sheegay in Agabka Diiwaangelintu aanay Somaliland lahayn, balse uu yahay mid ay leeyihiin Deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera Doorashooyinku. Isla markaana ay la noqonayaan marka Diiwaangelintu bilaabanto, haddii aanay Somaliland la iman qorshe ay ku yeelan karto. Waxaanu Madaxweynuhu tilmaamay in aanay arrintaasi waxba ka jirin. “Anigu warkaa ma maqal, Qalabkan-na waxa leh Somaliland oo waa Deeq la siiyay dalka. Mana jirto cid qaadaysaa ee Doorashooyinka dambe ee Dawladaha Hoose-ba waa lagu galayaa.” Ayuu yidhi M/weyne Rayaale.
M/weyne Rayaale waxa uu mahad-naq u soo jeediyay Shacabka ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa oo shalay laga soo gebogebeeyay hawshii Diiwaangelinta ee toddobaadkii u dambeeyay ka socotay. Waxaanu sheegay in Gobollada kale ee dalkana laga doonayo in sidaas oo kale si nabadgelyo ah ay uga dhacdo Diiwaangelintu.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa Waraysi uu toddobaadkan siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters ku sheegay in Xeebaha Somaliland ay ku soo dhawaynayaan Beesha Caalamka iyo cid kasta oo Budhcad-Badeedda la dagaallamaysa, isla markaana ay u furan yihiin inay isticmaalaan. Mar M/weyne Rayaale arrintaa waxa laga waydiiyay, waxa uu sheegay in aanu jirin Dal ama Dawlad ka soo dalbatay Somaliland inay Xeebaheeda degaan. Hase ahaatee buu yidhi, “Anaga ayaaba la dagaallamayna oo aan ogolayn Budhcad-Badeedda.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland
