Isniin, December 08, 2008(HOL): Munaasabada Ciida Carafo oo ah maalin ku weyn dhamaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan ayaa waxaa si weyn looga oogay Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan.
Waabarigii hore ee Saakay ayaa dhamaan Masjidyada Magaalada waxaa mar kaliya laga maqlay Takbiirta Salaadda Ciidda, waxaana sidoo kale ilaa Xalay gudaha Magaalada lagu arkayay Gawaari ay ku xiran yihiin Cod baahiyayaal dadka ugu baaqayay in layska ilaaliyo wax kasta oo khilaaf keeni kara iyo waliba in dadku isugu soo baxo fagaaraha Ex. Xaruntii hore ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Magaalada Beledweyne oo saakay si wada jir ah loogu wada dukaday Salaaada,
Markii ay soo dhamaatay Salaada Ciidda ayaa waxaa dadka qudbado ku saabsan sida mar walba loogu baahan yahay ka talinta Samaha iyo waliab Islaax u jeediyay dadkii isugu soo baxay dukashada Saalada Culima'udiin ka tirsan Maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya Gobalka Hiiraan.
Munaasabada Ciidda Carafo ayaa ah mid siweyn uga gadisan Munaasabadda Ciidul Fidriga, Ciidda Carafo waxaa Suno ah in dadku Salaadda soo beegsado iyaga oo afxiran ama aan waxba cunin, sidoo kale waxaa sunno ah in marka laga soo baxo Salaadda haddii uu qofku awoodo in uu Xoolo Gowraco si markaa loo quudiyo Masaakiinta maadama Ciiddani tahay mid ku magacaabanCiidul Adxa.
Bartamaha Magaalada Beledweyne ayaa lagu arkayaa Haween iyo Caruur gacmaha is heysta isla markaana is booq booqanay, waxaana dhamaan dadku isugu marxabeynayaan in Ciiddan Ciiddeeda ilaah ku gaarsiiyo Nabad-galyo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Magaalada Beledweyne oo si weyn looga oogay Munaasabada Ciidda Carafo
More News
- Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo iyagoo Baydhabo ku wada sugan seddex meelood ku kala tukaday Salaaddii Ciidda
- Sida looga Ciiday Somaliland iyo farqiga u dhaxeeya Ciiddan iyo Ciidihii hore?
- Yaa Qiil U Heli Kara {Album Cusub oo Wadani ah} oo si lacag ah loogu qeybiyay Dalal dhowr ah oo Caalamka ka tirsan
- Nuxurka Shir-jaraa’id oo uu maanta qabtay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin
- Magaalada Muqdisho oo si khilaaf la’aan ah looga ciiday
- Sidee looga Ciiday Gobollada Puntland?
- CABDI MUUSE MAAXAAY: Qof kasta oo wax u tari karta waxaan ka codsanayaa in ay u gurmadaan Gabadhan yar ee dhibaateysan”