
U gurmo Gabar yar oo dhalatay iyadoo aan lahayn meel ay ka saxarooto
Isniin, December 08, 2008(HOL): Ugu horeyn waxaan rabaa inaan mahad gaar u celiyo Saaxiibkey Abdulkadir Sayid iyo Abdulkadir Jamac oo labaduba jooga Gobolka Texas, iyo Somalida degan Wadanka Canada gaar ahaan Magaalada Yellowknife.
Runtii Labadan dhalinyarada ah ee joogta Gobolka Taxes ma ahan dhalinyaro aan is aragney oo aan is-naqiiney balse waxay igula soo xariireen oo ay damqadeen dhibaatada walaalahood haysata, horayna waxay u caawiyeen dad dhibaateysan, haddana waxay caawiyanayaan Gabar yar oo aan lahayn meel ay ka saxarooto oo ay in muddo ah saxarada ay ku xiran tahay. Gabadhan haddii aysan deg deg qalliin u helin waxay nolosheeda ku jirtaa khatar, marka ciddii caawin karta waxaan ka codsanayaa in ay caawiso.
Waxaan ka codsanyaa qof kastoo oo akhrista ama raba inuu caawiyo walaalihiis in ay nagala soo qayb galaan caawinta walaalahood. Marna suurto gal ma noqoteen in dad ku xanuunsanayay gudaha Soomaaliya aan daweyn dibadda ah u dirno sida gabadhan oo kale haddii aysan jirin shaqsiyaadkaas Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay caawintooda .
Mahad gaar ah Luul Nuur oo joogta Rochester Minnesota iyo asxaabteeda oo u dhaqaaqey caawinaada walaalahood. Ilaah waxaan ka baryayaa in bulshada Soomaaliyeed ka qaado dhibkaan haysto, oo ah cudurraadaan aan hore loo aqiin.
Far kaliya fool ma dhaqdo, sidaas darteed haddii aad rabtid inaad caawisid Gabadhan dhibaateysan Fadlan nagla soo qayb gal caawinaadda adiga oo haddii aad doonaysid inaad caawiso soo wici kara :
Caabiyo Ciise
612-298-1044
Minneapolis Minnesota
Fartuun Hussein
612 481-4623
Minneapolis Minnesota.
Waxaan idin leeyahay Ciid Wanaagsan meel kastoo aad joogtiin
Abdi Muuse Maaxaay
[email protected]
Minnesota, USA