Magaalada Muqdisho oo si khilaaf la’aan ah looga ciiday

Isniin, December 08, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo aysan jirin wax khilaaf ah oo ka dhashay Ciiddan sida Ciiddii Soon-fur oo ay dadka labo maalmood kala ciideen.

Masjidyada Magaalada Muqdisho ayaa saaka laga wada tukaday Salaadda Ciidda Carafo, waxaana Salaadda kadib la arkayay dad aad u faraxsan oo Ciidda isugu hambalyeynaya iyo weliba caruur badan oo iyagoo qaba dhar bilic leh ku ciyaarayay Waddooyinka Muqdisho.

Sababta uu u yar yahay khilaafka marka la gaaro Ciidda Carafo ayay dad badankiis ku sheegayaan in ay tahay iyadoo Ciidda Carafo ay tahay maalinta ka dambeysa maalinta ay Xujaayda tagaan Banka Carafo.

Muslimiinta ayaa waxay leeyihiin labo ciidood oo ay si weyn u qadariyaan, waxayna labada Ciidoodba ku soo beegmaan iyadoo ay Dadka Muslimiinta ah soo gutaan waajibaadka labo tiir oo ka mid ah Tiirarka Islaamka, waana Soonka iyo Xajka.

Dhanka kale marka aynu ka eegnana Ciiddan ayaa waxay dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho u soo gashay iyadoo weli uusan hagaagsaneyn ammaanka dalka Soomaaliya, gaar ahaan kan Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay dad badan oo ka cararay dagaallada Muqdisho ka socda labo sano ka badan ay ku nool yihiin duleedyada Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay qaarkood nolol xumo ku heysato.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia