Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Matabaan

Cabirka Farta

Axad, December 07, 2008(HOL): Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa maanta waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Matabaan ee Bartamaha Soomaaliya.

Maamullo horay uga talinayay Degmooyinkaas ayaa isaga baxay halkaas kadib markii ay xoogagga Al-Shabaab gaareen, waxaana haatan gudaha Degmooyinkaas lagu arkayaa Xoogagga Al-Shabaab.

Horay waxay Xoogagga Al-Shabaab ula wareegeen gacan ku heynta Degmada Guriceel, inkastoo halkaas ay labo jeer dagaallo ku qabsadeen, kuwaasi oo mar dambe iskood u istaagay iyadoo aaney cidina joojin.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay  sidoo kale  la wareegeen gacan ku heynta gobollo dhowr ah oo ku yaalla Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay horay uga talin jireen maamullo ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina la wareegitaanka Degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Matabaan ee Xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo shalay uu Ururka Al-Shabaab Maamul Islaami ah u sameeyay Gobolka Shabeelaha Hoose oo uu dhawaan gacan ku heyntiisa la wareegay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia