Bukaan ku dhibanaa Muqdisho oo loo helay daweyn dibadda ah

Cabirka Farta

Xasan Cali Isaaq  iyo Walaalkiis Jeelle Cali Isaaq
Axad, December 07, 2008(HOL): Xasan Cali Isaaq oo ah Muwaadin Soomaaliyeed, isla markaana  la xanuunsanayo nabar kaga soo baxay daanka midig oo kadib intuu buro isu bedelay wejiga ku faafay ayaa wuxuu nasiib wanaag helay daweyn dibadda ah.

Bukaankan oo laga keenay Degmada Tayeeglow ee Gobolka Bakool,  xaaladdiisa caafimaadna wax looga qaban waayay Isbitaallada ku yaala Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, xitaa Isbitaalka Amisom oo la geeyay ayaa waxaa ku guuleystay in uu dibadda loo qaado si loo soo daweeyo Cabdi Muuse Maaxaay oo u helay Isbitaal lagu daweynayo oo Kenya ku yaala iyo Dad Soomaaliyeed oo iyana u soo diray Lacagtii Tikidka loogu gooyay, kuwaasi oo ku kala nool Dalka Mareykanka Gobolladiisa Minnesota iyo Texes iyo Canada (Yellow knife).


Bukaanka oo dorraad laga duuliyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa uu haatan ku sugan yahay Magaalada Nairobi, waxaana maalinta berri ah la geynayaa Isbitaal ku yaala Magaaladaas, kaasi oo qalliin looga sameyn doono Burada ku taalla ee xanuunka badan ku heysa.

Halkan ka dhegeyso
Wareysiga-HOL

Haddaba si aan Xaaladda Bukaanka wax uga ogaanno min markii nabarka haleelay ilaa haatan oo uu ku sugan yahay dalka Kenya, laguna daweynayo, waxaan ka wareysannay Jeelle Cali Isaaq oo Bukaanka la dhashay iyo Cabdi Muuse Maaxaay oo isna ka shaqeeyay in daweyn dibadda loo helo.

Ugu horeyn Jeelle ayaan weydiiyay sida uu walaalkiisa ku soo gaaray nabarka burada isu bedelay, wuxuuna sheegay in walaalkiis isagoo falanayay Beer uu ku lahaa Deegaanka Tayeeglow ee Gobolka Bakool uu ku soo baxsaday Geed uu falayay, kadibna uu nabar ku noqday dhaawacii geedkaas uu u geystay, kadibna uu buro noqday, dhowr dhaqtar oo ay u geeyeenna ay u sheegeen in aysan waxba ka qaban karin xaaladdiisa.

Jeelle waxaa uu u mahadceliyay intii gacanta ka geysatay in uu walaalkiis oo dhiban uu daweyn caafimaad oo dibadda ah helo, wuxuuna dadkaas ka xusay, Cabdi Muuse Maaxaay, Abwaan Abshir Bacadle, Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure iyo Dad Soomaaliyeed oo ku dhaqan Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Australia iyo kuwo kale.

Sidoo kale Cabdi Muuse Maaxaay ayaan  isna weydiinay sida ay ugu suurtagashay in uu caawimaadda ugu helay bukaanka Xasan Cali Isaaq, wuxuuna sheegay in ay arrintaas ku gacan siiyeen Dad Soomaaliyeed oo ku sugan Dalka Mareykanka Gobolladiisa Minnesota iyo Texes iyo Dalka Canada (Yellow Knife) iyo Dalladda Haweenka Cogwo oo uu xusay in ay iyana gacan ka geysteen sidii Bukaankaas Dibadda loogu soo duulin lahaa.

Ugu dambeyntiina, Cabdi Muuse Maaxaay waxaa uu ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in ay wixii karaankooda ah ku caawiyaan bukaanka iyo walaalkiis inta ay Isbitaalka ku jiraan, iyadoo wixii kaalmo ah loogu hagaajin karo Caabiyo Ciise oo laga helo 612-298-1044 Minneapolis Minnesota ama Fartuun Hussein oo laga helo 612481-4623 Minneapolis Minnesota ama Cabdi Muuse Maaxaay oo lagala xiriiri karo [email protected].

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia