Axad, December 07, 2008(HOL): Waxaa maanta degan xaaladda Deegaanka Cali Bulooy oo uu shalay dagaal ku dhexmaray Xoogag ka amar qaata Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Maleeshiyooyin deegaanka ah, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in dagaalkaas uu u dhaxeeyay Xoogag taabacsan ONLF iyo Xoogagga u daacad ah Maamulka Magaalada Kismaayo.
Salaadiin u hadlay Dadka Deegaanka iyo weliba mas’uuliyiin u hadlay maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa dagaalkaas siyaabo kala duwan uga hadlay, wuxuuna Suldaan Cabdi Cali Sokor oo dadka deegaanka u hadlay sheegay in ciidamo uu leeyahay maamulka magaalada Kismaayo uu weerar ku qaaday dhalinyaro deegaanka ah, halka Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo-na uu sheegay in ay weerareen maleeshiyooyin ka amar qaata ONLF oo sida uu yiri ka soo horjeeday maamulkooda.
“Dagaalka ka dhacay Dhoobley nawaaxigeeda wuxuu u dhaxeeyay mujaahidiinta Koofurta Soomaaliya iyo Ciidamo ka amar qaata ONLF oo ku biiray qoladii Ashahaado la dirirka”ayuu yiri Shiikh Xasan Yacquub Cali oo afhayeen u ah maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo.
Shiikh Xasan Yacquub waxaa uu intaas ku daray in Xoogaggooda ay ka itaal roonaadeen Ciidmadii ONLF, wuxuuna caddeeyay in ay kala wareegeen gacan ku heynta meelihii ay ku sugnaayeen.
Dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Cali Bulooy ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay Deegaannada Dhoobley, Qooqaani iyo Af-madow, kuwaasi oo dhamaantood hoos yimaada Gobolka Jubbada Hoose, waxayna dadka ku sugan deegaannadaas ay dalbadeen in dagaalkaas la joojiyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia