Axad, December 07, 2008(HOL): Hay'adda Muslim Aid ee ka howl-gashay Gobalka Hiiraan ayaa deeq Daawo ah waxaa ay gaarsiisay Xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay ee Goballka Hiiraan kuwaas oo bilihii ugu danbeeyay aan helin daryeel dhinaca Caafimaadka ah.
Xiriirayaha hay'adda Muslim Aid ee Goballada Dhexe Xuseen Dhuubow Cabdi ayaa HOL u sheegay in deeqda Daawada ah ay ka timid Xafiiska Muslim Aid ee UK, waxaana uu intaas ku daray marka laga soo tago in Xeryahaasi la gaarsiiyay Daawada sidoo kale hay'addu ay u sameysan dadka soo barkacay baaritaano dhinaca Caafimaadka ah.
Xuseen Dhuubow waxaa uu intaas raaciyay in dhamaan dadkii ay la kulmeen ahaayeen kuwo qaba Xanuuno kala gedisan, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay Caruurta iyo dadka waayeelka ah kuwaasoo uu sheegay in ay u nugul yihiin daruufaha dhinaca Nolasha ah.
"Runtii Dadka soo barakacay bilihii ugu danbeeyay ma aysan helin daryeel dhinaca Caafimadka ah, kaalmadii ugu badneyd oo ay helaana waxaa uu ahaa Raashin sidaas daraadeed waxaa isla garnay haddii aynu nahay Muslim Aid bal in aynu wax ka qabano Xaaladaha dhinaca Caafimaadka ah ee ka jira gudaha Xeryaha dadka soo barakacay ayuu yiri Xuseen Dhuubow oo u waramay HOL.
Sidoo kale meelaha la gaarsiiyay deeqda Daawada ah ayaa waxaa ka mid ah Xeryaha ay ku jiraan dadka ku barakacay Goballada Dhexe sida Degmada Caabud-waaq ee Goballka Gal-gaduud, sida uu sheegay Xriiriyaha hay'adda Muslim Aid Xuseen Dhuubow oo dhinaca kale intaas ku daray in ay sii wadi doonaan howlahooda dhinaca gar gaarka ah.
Marka la eego tallaabada ay qaaday hay'adda Muslim Aid ee ah u guurgalida xaaladda Caamfimaad ee dadka soo baracakay ayaa waxaa la oran karaa waa mid ku dasho mudan maadaama Qoysaska dadka soo barakacay yihiin kuwa aan heysan dhaqaalo ay ku ogaadaan xaaladahooda dhinaca Caafimaadka iskaba daa in ay iibsadaan Daawooyinka ah u baahan yihiin e'.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia