Sabti, December 06, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu maanta magaaladaas ka dhacay qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay, kaasi oo lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraxa oo ka dhacay Suuqa Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sababay dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca 6 ruux oo kale, kuwaasi oo isugu jiray Dad rayid ah iyo ciidamadii qaraxa lala beegsaday.
Qaraxaas kadib ayaa waxaa goobtii qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay dadkii ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Maalmihii aynu ka soogudubnay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka dhacayay qaraxyo is-daba-joog ah, kuwaasi oo lala eeganayay Ciidamada Dowladda, waxayna qaraxyadii ugu dambeeyay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad aad u badan.
Qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gelinkii dambe, xalay iyo maanta uu Magaaladaas ku sugan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo aan ilaa iyo haatan shaacin waxyaabaha uu ku saabsan yahay socdaalkiisa Baydhabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia