Sabti, December 06, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa wuxuu halkaas kulamo gooni gooni ah kula leeyahay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo ku sugan.
Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in uu Xildhibaannada kala hadlayo arrimo ku saabsan khilaaf dhinaca dastuurka ah oo soo kala dhexgalay isaga iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, kaasi oo salka ku haya Gole Wasiirro oo uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo-na waxay sheegayaan in maanta ay kulan wada qaadanayaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe).
Warar kale oo naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in isna Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde laga sugayo Baydhabo, iyadoo kadibna la qorsheynayo in ay bilowdaan kulamo dib loogu eegayo waxyaabaha ay isku hayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dib uga bilowday loolankii u dhaxeeyay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo mar kasta oo ay is-qabtaan bilaaba kulamo ay ku kala jiid-jiidanayaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia