Dagaal mar kale ka dhacay Guriceel

Cabirka Farta

Sabti, December 06, 2008(HOL): Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa mar kale shalay gelinkii dambe ka dhacay dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay, kaasi oo u dhaxeeyay xoogag kala taabacsan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dagaalkii shalay Guriceel ayaa wuxuu geystay dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca 9 ruux oo kale, kuwaasi oo isugu jiray dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid ah oo ay haleeshay rasaas habow ah.

Saameyn kale oo uu dagaalkan geystay ayaa waxay ahayd iyadoo ay ku barakaceen dad horay uga soo barakacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo magaalada bannaanka uga baxay, isla markaana ay la soo deristay dhibaato nololeed.

Dagaalkan ayaa wuxuu dhacay iyadoo aan xal laga gaarin wixii keenay dagaal todobaadkii hore ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, inkastoo ay socdeen dadaallo xal loogu raadinayay waxyaabihii uu ka dhashay dagaalka.

Lama oga rasmi ahaan waxyaabaha uu salka ku hayo dagaalkaas, waxaase jira warar sheegaya in uu ka dhashay muran dhexmaray rag labada koox diimeed ka tirsan, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay dadka deegaanka ka gaabsanayaan in ay si cad u sheegaan waxa uu dagaalkaas ka dhashay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Degamda Guri Ceel-na waxay sheegayaan in xaaladda ay haatan degan tahay, isla markaana ay dib u bilowdeen dhaqdhaqaaqyadii dadka iyo ganacsiga ee Degmadaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia