Shacabka Puntland oo diyaar-garaw ugu jira Munaasabadda Ciidul-Adxa

Cabirka Farta

Sabti, December 06, 2008(HOL): Shacabka ku dhaqan Magaalada Boosaaso ayaa diyaar-garaw ballaaran ugu jira ciidda barakeysan ee Adxa, iyadoo inta badan ay dadku gadanayaan agabyadii kala duwanaa ee loogu talagalay maalinta Ciidda.

Dadka ayaa ahaa kuwo ku mashquulsan gadashada dharka Ciidda, waxaana goobaha qaar ay ahaayeen kuwa ciriiri ah oo aysan dadku ka gudbi karin diyaargarowga loogu jiro Ciidda awgeed.

Marka aad booqato Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso waxey indhahaagu qabanayaan dad aad u faraxsan oo mashquulsan, iyadoo qof walba uu baaranayo dookhii u ku Ciidi lahaa.

Ma ahan oo kaliya magaalooyinka Ciidda looga diyaar garoobayo oo sidoo kale waxaa iyana diyaar-garow ballaaran ku jiran dadwaynaha Reer Puntland oo dhan.

Ciidaoo ay maalmo qura inaga xigaan ayaa lagu wadaa in shacabka Reer Puntland oo dhan ay si isku wada mid ah u Ciidaan, iyadoo inta badan horay loo bartay in ay dhacaan khilaafka ka dhasha tukashada Salaadda Ciidda.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia