Arbaco, December 31, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa gacanta ku dhigay Guddoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo shalay isaga baxay guri uu ku deganaa Degmada Shangaani kadib markii uu ka war helay in ay ku soo wajahan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa waxay guddoomiyihii hore ka soo qabteen guri ku yaala nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Degmada Hodan, iyadoo xiliga la qabanayayna uu wehlinayay mid ka mid ah ku xigeennadiisii oo lagu magacaabo Axmed Tahliil Warsame.
Lama garanayo sababta ay Ciidamada Itoobiyaanka u soo qabteen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, hayeeshee waxay qabashadiisa ku soo beegmeysaa iyadoo shalay ay Ciidamo Itoobiyaan ah ka waayeen guri uu ka deganaa Degmada Shangaani oo ay raadiyeen. Ilaa iyo haatan lama oga halka ay Ciidamada Itoobiyaanka la aadeen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, waxaase la ogaan doonaa saacadaha soo socda.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa waxaa xilkii guddoomiyenimada Gobolka Banaadir ka qaaday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo taasina ay keentay in uu Maxamed Dheere iska diido xil-ka-qaadistaas, kadibna uu ku raacay Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in xil-ka-qaadistaas ay ahayd mid aan sharci ku fadhin ilaa ugu dambeyntii khilaaf arrintaas ka dhashay oo madaxda dowladda dhexmaray uu keenay in uu madaxweyne Yuusuf is-casilo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia