Is rasaaseyn xalay dhexmartay kooxo ka trisan Maxkamadaha Islaamiga iyo Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay deegaanka Kala-beyr

Arbaco, December 31, 2008(HOL): Xoogag ka risan Maxkamadaha Islaamiga ayaa xalay weerar hoobiye ah ku qaadeen Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan, waxaana intaas kadib deegaannada ku dhaw dhaw halka ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya laga maqlay rasaas culus oo ay ridayeen Itoobiyaanka.

Weerarka kadib ayay Ciidamada Itoobiyaanku si weyn ugu soo durgeen dhinaca wadada gasha Magaalada Beledweyne iyagoo soo gaaray Ilaa Tuulada Ceel-gaal oo xalay ay isaga firxadeen dadkii rayidka ahaa ee ku dhaqnaa.
 
Ilaa hadda lama oga wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka xalay lagu qaaday Ciidamada Itoobiya, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Saraakiisha Maxkamadaha Goballka Hiiraan oo la xiriira weerarka la sheegay in xalay lagu qaaday Ciidamada Itoobiya.

Dhinaca kale gaadiidleyda ku safarta wadada isku xirta Goballada dhexe ayaa si weyn uga cabanaya fariisinka Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Kala-beyr iyagoo sheegay in halkaas looga qaado lacago xad-dhaaf ah iyo waliba in mar marka qaar lala wareego gaadiidka si loogu daabulo Ciidamada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia