Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada Guriceel oo dadaal ugu jira sidii loo baajin lahaa dagaallo kale oo ka dhaca Gobolka Galgaduud

Arbaco, December 31, 2008(HOL): Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii ay u baajin lahaayeen dagaal mar kale ka dhaca Deegaannada gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Degmada Guriceel Cali Shiikh Maxamed oo ka qeybgalay kulan ay Odayaasha iyo Waxgaradka Degmadaas isugu yimaadeen ayaa sheegay in dood iyo falanqeyn dheer kadib ay odayaashu go’aamiyeen:

In colaadda la joojiyo lana wada hadlo, in maatida dhibaatada gaartay loo naxariisto, in dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay ka qeyb-qaataan joojinta dhibaatada ka taagan gobolka Galgaduud, in Dowladda Itoobiya ay faragelinta ka joojiso Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Gobolka Galgaduud.

“24 bilood ayaa laga joogaa markii ay Itoobiya Taangiyada iyo Ciidmada keentay Soomaaliya waxna wey ku tari weysay, marka waxaan leenahay Itoobiya faragelinta ha naga joojiso, hana ka rumeyso in ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya”ayuu yiri Cali Shiikh Maxamed.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Guriceel in Odayaashii iyo Waxgaradkii kulanka isugu yimid ay u howlgelayaan sidii ay ula kulmi lahaayeen dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyo, wuxuuna rajeeyay in ay ku guuleysan doonaan in dagaalka la joojiyo.

Kulanka ay isugu yimaadeen Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa wuxuu yimid kadib maalmo uu dagaal ka dhacayay Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud, iyadoo dagaalladaasna la sheegayo inay u dhaxeeyaan Xoogag kala taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia