Arbaco, December 31, 2008(HOL): Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay saaka isku rasaaseeyeen Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababta keentay in ay Ciidamada is-rasaaseeyaan.
Is-rasaaseynta labada ciidan dhexmartay ayaa waxay sababtay dhimashada hal ruux oo rayid ah iyo dhaawaca mid kale, kuwaasi oo ay haleeshay rasaastii ay ciidamadaas isku ridayeen.
Dhaqdhaqaaqii Dadka, Gaadiidka iyo weliba ganacsiga Degmada Wadajir ayaa hakad galay kadib markii ay bilaabatay is-rasaaseynta, inkastoo cabaar kadib ay dhaqdhaqaaqyadaas dib u soo noqdeen.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kasta lagu eedeeyaa in ay yihiin kuwo aan lahayn anshaxii Ciidan dowladeed looga baahnaa, waxayna geystaan falal isugu jira dil, dhac iyo handadaad, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan jirin wax ay falalkaas ka qabteen talisyada Ciidamada Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia