Khamiis, December 25, 2008(HOL): Sida la xaqiijiyay 6 qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay 24 saac ee ugu dambeeyay gudaha Gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo dilalkaan ay u dhexeeyeen Beelo walaalo ah.
Kooxo hubeysan ayaa laba dhallinyaro ah oo la sheegay inay ka shaqeynayeen gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Shabeellada Dhexe ku dilay deegaanka Masaajid Cali-guduud, iyadoo dilkaasna uu dhaliyay xiisad colaadeed.
Dabley hubeysan ayaa markaasi kadib la sheegay inay 4 qof oo xoolo-dhaqato ah ku dileen deegaanka Jeel-qalay oo Gobolka Shabeelaha Dhexe ka tirsan, iyadoo dilkaas la sheegay inuu ahaa mid aar-goosi ah.
Wararka ayaa sheegaya inay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu dhameeyo dagaallo ka dhasha dilalkaan aanooyinka beeleed ku dhisan ee ka dhacay qaybo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.
Dilalkaan ayaa yimid iyadoo ku simaha guddoomiyaha Shabeellada Dhexe C/llaahi Sh. Xuseen uu qaybo gobolkaas ka tirsan ku marayo booqashooyin howleed, uuna maanta ka qaybgalay kulan looga halayay ammaanka Degmada Cadale oo ka dhacay xarunta degmadaas.
Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa waxaa gacanta ku haya xoogagga Maxkamadaha Islaamka, oo gacan ku heynta gobolkaas kala wareegay maamul ay dhistay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dhawaan Gobolkaas booqasho ku tagay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo sidoo kalena ay Degmada Jowhar booqdaan Wufuud ka socota UN-ka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia