Khamiis, December 25, 2008(HOL): Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku dhintay seddex kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray gaari nooca TOYOTA SURF ah oo ku rogmaday tuulada Libaw oo u dhaxaysa magaaloyinka Boosaaso iyo Qardho.
Gaarigaan ayaa ka soo kicitimay degmada Bursaalax, waxaana uu ku soo jeeday magaalada Boosaaso, iyadoo markii uu rogmaday ay u gurmad u fidiyeen dadka tuulada Libaw.
Dhaawaca seddexda ruux ayaa goor sii horaysay oo maanta ah la soo gaarsiiyay isbitalka magaalada Boosaaso si loogu dabiibo,waxaana labo ka mid ah la sheegay in dhaawacoodu uu sahlan yahay.
Taliyaha laanta nabad-sugidda waddooyinka gobolka Kar-kaar oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gaariga uu ku socday Xawaare aad u sareeya markii uu gadoomiyay, waxaana uu darawallada gaadiidka wada uu ugu baaqay in ay naftooda ka taxadaraan.
Bilo ka hor waxaa ka dhacay waddooyinka u dhaxeeya magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho shil ay ku dhinteen 6 ruux mana ahan markii ugu horaysay oo shil caynkaan oo kale ah oo ku dhaco Laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia