Khamiis, December 25, 2008(HOL): Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ku dhawaaqay furitaanka Olole Caafimaad oo in ku dhaw Nus-Malyuun Caruurta Somaliland ah lagaga tallaalayo Cudurrada faafa ee Dilaaga ah oo maanta ka bilaabmaya Gobollada Hargeysa iyo Togdheer.
Munaasibad loo qabtay ku-dhawaaqista Ololahan oo ka dhacday Beerta Xorriyadda Hargeysa, isla markaana ay ka qaybgaleen, M/weyne-xigeenka Somaliland, Wefti ka socday Safaaradda Dalka Japan ku leeyahay Itoobiya, Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Somalia Mr. Christian Barslev, Masuuliyyiin ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay, Wasiiro iyo marti-sharaf kale, ayaa waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe oo sheegay in Gobollada Hargeysa iyo Togdheer oo Ololahan maanta laga bilaabi doono uu ka dillaacay Cudurka Jadeecadu. Isla markaana ay hawl-wadeenadu tiradoodu gaadhayso 6-Kun oo qof ka hawlgeli doonaan Gobollada dalka. Hase ahhaatee, waxa halkaa kaga qayliyay Dhalinyaro siday sheegteen ka mid ah hawl-wadeenada Caafimaadka ee tababarka u galay Tallaalka. Kuwaas oo ka cabanayay wax-is-daba marin ay sheegeen in lagu sameeyay.
Mas'uul u hadlay Safaaradda Japan ee Itoobiya ayaa sheegay in Dawladdiisu ay diyaar u tahay inay la shaqayso Somaliland, waxaanu uga mahad-naqay Shacabka Somaliland horumarka ay gaadheen.
Wakiilka UNICEF ee Somalia oo isna waqtigaas uun Dalka yimi, isla markaana soo gaadhay goobta, ayaa sheegay in Shacabka Somaliland ay guul u tahay in bishii March ee sanadkii 2007 dalka laga dabar-gooyay Cudurka Dabaysha, isla markaana ay arrimaha Caafimaadka kaga horreeyaan dalalka Itoobiya iyo Sudan. Hase ahaatee loo baahan yahay in laga hawl-galo sidii looga midho-dhalin lahaa Ololahan Caafimaad oo ka qabsoomi doona Gobollada dalka. Isaga oo tilmaamay in dhinaca kale ay Somaliland ka mid tahay dalalka Afrikada Saxaraha ka hooseeya ee Hooyooyinku Cudurada ugu dhintaan, loona baahan yahay in la kordhiyo dedaalka lagaga hortegayo.
Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ka war bixiyay Siyaasadda Xukuumadda Somaliland ee arrimaha Caafimaadka oo uusheegay inay ka go’an tahay tayaynteedu. Waxaanu tilmaamay in Tallaalku uu yahay mid muhiimad u leh Ubadka, hase ahaatee ay dadka qaarkii dacaayado u geliyaan Suuqa in Ubadka lagu tallaalayo Cudurka. Taasna aanay waxba ka jirin ee ay tahay mid raqiis ah. madaxweyne-xigenku wuxuu ku dheeraaday muhiimadda Ololahan Qaran oo uu sheegay in Ubadka lagaga tallaali doono Cudurada, Teetanada iyo Dabaysha, isla markaana lagaga dawaynayo Gooryaanka iyo nafaqo-darrada. Iyada oo la siin doono Kiniinka Biyaha sifeeya. Dhinaca kalena, waxa uu M/weyne-xigeenku u ballan qaaday Dhalinyaradii dareenka iyo qaylada Diidmada leh ku waajahay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka inuu arrintooda wax ka qaban doono, isla markaana uu daba-geli doono.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Wasiirka Ganacsiga, Maayar-xigeenka Caasimadda Hargeysa, Aamina Cismaan oo ka socotay Hay’adda WHO iyo marti-sharaf kale oo dhammaantood ka waramay muhiimadda Ololahan iyo tallaalkaba.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland