Diyaarad nooca wax-basaasa ah oo ku dhacday Degmada Baydhabo

Cabirka Farta

Khamiis, December 25, 2008(HOL): Diyaarad yar oo nooca wax basaasta ah ayaa la sheegay inay maanta ku dhacday bartamaha Baydhabo, iyadoo ahayd nooca aanu dadka wadin ee dhulka laga hago.

Sida ay sheegayaan Dad ku sugan magaalada  Baydhabo diyaaraddan ayaanan geysan wax khasaare ah, balse waxay sheegeen dadku inay burburisay meeshii ay ku dhacday, iyadoo jajabkeedii ay goobta ka qaadeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Xaaladda Baydhabo ayaa mar qura isbadashay markii la maqlay labo jug oo waaweyn, intii aysan diyaaraddu dhicin, waxayna goobjoogayaal sheegeen in dadku ay u qaateen inay dagaallo billowdeen.

Diyaaraddan ayaa ku dhacday inta u dhexeysa xarunta KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaana goobta tagay dad badan si ay u daawadaan diyaaradda soo dhacday.

Qaar ka mid ah dadkii goobta diyaaraddu ku dhacday booqday ayaa sheegay in diyaaraddu ay ahayd mid aad u yar, lagana qaaday halkii ay ku dhacday qalab ku xirnaa oo loo qaaday in ay ahaayeen filim-qaadayaal.

Madaxda DFKMG ah ee ku sugan Baydhabo, Maamul Degmada iyo kan gobolka iyo Taliska Booliska ayaan ka hadlin diyaaraddaas dhacday ee nooceedu ahaa kuwa waxbasaasa.

Dhowr bilood ka hor ayay diyaarad noocan oo kale ah ku dhacday duleedka galbeed ee degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ugu dambeyn halkaas laga qaatay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia