Talaado, December 02, 2008(HOL) - Tahriibaal Soomaaliyeed ayaa bus kula rugmaday Magalada Msavingo ee dalka Zimbabwe, iyadoo ey halkaas ku dhinteen (3) sedax kamid ah Tariibayashaas halka ey ku dhaawacmeen (16) lix iyo toban kale.

Dadkan dhintay ayaa magicyadooda lagu sheegay Daahir macalin Sanweyne, Owmaxamed Cabdulle Iyo Nin dadiisa lagu sheegay 42jir oo magaciisa lagu soo gaabiyay Sheikh Cabdullaahi.
Dadkan tariibayaal ka ah oo ku soo jeeday dalka Koonfurta Africa sida uu qadka telfonka ugu xaqiijiyay xafiiska HOL ee magalada Johannesbrug Maxamed Axmed Geedi oo isagu kamid ahaa dadkii halkaas ku dhaawacmay.
Dadkii halkaa ku dhintay ayaa lagu aasay manta magaalad Msavingo oo 80 KM u jirto Magalada Casimada ee Harare, iyadoo ey halkaas ku aaseen Muslimiin uu ka mid ahaa Imaan Cumar Mabosa oo ah Imaam Masjid ku yaala Magaaladaas.
Dadkii dhaawaca ahaa oo ladhigay Isbitaal kuyala magalada Msvingo, ayaa la sheegayaa in eysan jirin wax haba yaraatee daawo ah oo lagu dabiibo balse ey dadkaas dhaawacaa Isbitaalka iska dhax jiifaan sida ey Xafiiska HOL u xaqiijisay Kalkaaliso ku sugan Isbitaalka Msavingo.
Dhibaatadan ayaa kusoo aaday xili ey kacsantahay siyaasada dalka Zimbabwe, iyadoo ey ka jiraan dhibaatooyin bini aadminimo oo ey ka mid tahay biyo la'aan cunto la'aan iyo waliba cudurka Shubanka oo faro ba'an ku haya dalka Zimbabwe.
Cid kasta oo dooneyso in ey Macluumaad dheeri ah ka hesho Shilkan waxaa ey kala Xiriiri karaan Telfonadan soo socda;
Imaan Cumar Mabosa Tell 00263912925279
Ama Masunda oo ka mid ah howl wadeenada Isbitaalka
Tell 00263912717025
Saciid Cabdulle Herow
Hiiraanonline
Johannesburg
South Africa
[email protected]