Talaado, December 02, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo saxafiyiin kula hadlay magaalada Garowe ee xarunta u ah Gobolka Nugaal ayaa wuxuu sheegay in uu soo gaaray war ku saabsan in uu xalay magaalada Baydhabo ku geeriyooday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya marxuum Maxamed Xasan Dhuko.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Marxuumka oo horay Safiir uga soo ahaa Dalka China, Garsoorkii Soomaaliyana muddo dheer ka tirsanaa uu wax weyn qabtay intii uu ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Geeridu waa xaq, dhammaanteenna waan dhimaneynaa hayeeshee aad baan uga xumahay in uu marxuumka geeriyooday iyadoo aad loogu baahnaa waxqabadkiisa”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in uu tacsi u dirayo qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu marxuumka ka geeriyooday.
Sida uu sheegay Madaxweyne Yuusuf Marxuum Maxamed Xasan Dhuko saaka ayaa lagu aasay Magaalada Baydhabo ee fariisinka u ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna marxuumka Allaah uga baryay in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.
Markii uu Madaxweynaha tacsidaas jeediyay waxaa uu u sheegay saxafiyiintii uu la hadlayay in uu waqti kale siin doono warar ku saabsan xaaladda Dalka Soomaaliya iyo weliba mustaqbalka Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay ee Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia