![]() |
| Batuulo Xaaji Nuur |
Labadan Gabdhood ayaa waxay sheegeen in uusan waxba ka jirin war lagu faafiyay mid ka mid ah baraha Internet-ka Soomaalida ee ka faalooda Isboortiga, kaasi oo ahaa in uu Ganaaxay Aadan Xaaji Yabarow Wiish Sahro Xasan Socdaal, Batuulo Xaaji Nuur iyo Nadiifo.
Batuulo Xaaji Nuur oo Saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in ay kula talineyso ciddii warkaas ka faafisay in ay sumacaddeeda ilaashato, isla markaana ay joojiso wararka aan jirin ee ay ka qorayaan dad aysan xigasho rasmi ah ka heysanin.
![]() |
| Sahro Xasan Socdaal |
Dhawaan ayay ahayd markii uu Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish uu Warbaahinta Soomaalida qaarkeed ku eedeeyay in ay lid ku yihiin horumarka Isboortiga Soomaaliyeed.
“Waxaa jira Saxafiyiin qora warar lid ku ah Isboortiga Soomaaliya, kuwaasi oo soo xigta ilo wareedyo aan sugneyn oo qaarkood la dareemi karo in looga dan leeyahay in burburiyo Isboortiga Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan mar kale kula talineynaa Saxafiyiinta Soomaaliyeed in ay arrintaas ka digtoonaadaan”ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia

