Talaado, December 02, 2008(HOL): Xoogag ka amar qataa Maxkamadaha Islaamka ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen guryo ay magaalada Baydhabo ka degan yihiin Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Guryaha ay xoogaggaas weerareen ayaa waxaa degan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali Caato, inkastoo xildhibaannadaas ay dalka ka maqan yihiin.
Wararka aynu ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday guryaha ay Xildhibaannada degan yihiin ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ka soo gaartay ilaaladii Xildhibaannadaas.
Laakin Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahin Geesey ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday guryaha Xildhibaannada aysan wax khasaare ah geysanin, inkastoo uu xusay in guri ay dad shacab ah degan yihiin ay kooxaha wax soo weeraray dhibaato ka geysteen.
Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ayaa markii ay weerarkaas qaadeen kadib waxay dib ugu laabteen meelihii ay markii horeba ka yimaadeen, waxayna in muddo ah ku sugnaayeen goobihii ay weerarka ku qaadeen.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ay weerar ku qaadaan guryo ay magaalada Baydhabo ka degan yihiin Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Weerarka xalay lagu qaaday guryaha Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) uu shaaca ka qaaday in uu sii xumaanayo ammaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia