Dad rayid ah oo lagu dilay Deegaanka Qoox oo ka tirsan Tuulada Moqokori ee Gobalka Hiiraan

Cabirka Farta

Sabti, December 13, 2008(HOL): Inta la og-yahay 4 Ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay 3 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen deegaanka lagu magacaabo Qoox oo ka tirsan Tuulada Moqokori ee Gobalka Hiiraan.
 
Dadka geeriyooday ayay wararku sheegayaan in xiliga la dilayay ay ku sugnaayeen hoygooda, waxaana wararku intaas ku darayaan in weerarka lagu qaaday deegaanka Qoox yahay mid daba jooga aargoosi iyo dilal horay u dhaxmaray beelo kala daga Goballada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.
 
Dilka dadka rayidka ah oo cabsi iyo dhiillo colaadeed intaba ka abuuray Tuulooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Goballada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ayaa muujinaya in wali halkeedii taagan tahay colaad in muddo ah u dhaxeysay labada beelood, taasoo kulan ku dhamaxmaray Tuulada Moqokori Odayaal iyo Waxgarad ay kala hogaaminayeen duubabka dhaqanka labada beelood lagu sheegay in lagu soo afjaray Colaada.
 
Mas'uuliyiinta Midowga Maxkamadaha labada Gobal Shabeelada dhexe iyo Hiiraan ayaa horay waxa ay u sheegeen in ay soo afjari doonaan khilaafka u dhaxeeya labada beelood isla markaana aan loo dul-qaadan doonin is-dilka micno darrada ah, laakiin waxaa wali dhinaca kale muuqaneysa in dilalku halkoodii ka sii socdaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia