Seddex Haween ah oo lagu dhaawacay Baydhabo

Cabirka Farta

Sabti, December 13, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in saaka gudaha magaaladaas dhaawac loogu geystay seddex Haween ah oo ka mid ah haweenka mehradaha ganacsi ku heysta magaaladaas.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in Haweenkaas oo meel suuq ah ku sugnaa ay rasaas ku fureen, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn sababta rasaasta loogu furay. Dhaawaca haweenkan ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Wuxuu ahaa weerarkii ugu horeeyay oo lagu bartilmaameedsado Haween tan iyo markii uu faraha ka baxay ammaanka Magaalada Baydhabo oo ay ka dhacaan Dilal, Qaraxyo  iyo weliba Weerarro mararka qaarkood dhaca, kuwaasi oo lagu qaado guryaha ay Baydhabo ka degan yihiin Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kalena, weerarkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay Magaalada Baydhabo ku wada sugan yihiin seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo weliba uu u dhaxeeyo khilaaf muuqda oo salka ku haya is-bedel uu siyaasadda Soomaaliya ku sameeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo markii la magacaabayba bilaabay dhaqdhaqaaqyo xal-doon ah, ilaa ugu dambeyntii ay heshiis wada gaaraan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ammaanka Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu in muddo ah ahaa mid aan la isku haleyn karin, waxaana ilaa iyo haatan aan muuqan awood wax ka qaban karta amni darradaas, marka laga reebo Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Bay oo mar mar howlgallo sameeya, kuwaasi oo qudhooda bambo gacmeedyo lagu weeraro inta ay howlgallada sameynayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia