Ciidamo Itoobiyaan ah oo hakad geliyay dhaqdhaqaaqii Dadka iyo Ganacsiga ee Magaalada Baydhabo

Cabirka Farta

Sabti, December 13, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo weli ku sii sugan magaaladaas ay maanta hakad geliyeen isu socodkii dadka iyo ganacsiga ee magaaladaas.

Ciidamadan oo lagu arkayo Waddooyinka dhexmara magaalada Baydhabo ayaa waxay dadka ku amrayeen in aysan ka soo dhawaanin Waddooyinka iyo meelaha is-aragga ah ee ay dadka isugu yimaadaan.

Dhaqdhaqaaqyada ay sameeyeen Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa waxay saameyn ku yeesheen dadkii mehradaha ganacsi ku heystay gudaha Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo maanta guryahooda iska joogay, iyadoo sidoo kalena ay saameeyeen dad iyana goobahaas ganacsi u dukaameysi tegi lahaa.

Lama sheegin ilaa iyo haatan ujeedada ka dambeysa bandowga ay Ciidamada Itoobiyaanka ku soo rogeen magaalada Baydhabo, hayeeshee wuxuu dhaqdhaqaaqoodan ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay uu aad u sii xumaanayay ammaanka magaaladaas.

Saaka ayaa ugu dambeeyay waxaa gudaha magaalada Baydhabo dhaawac loogu geystay seddex haween ah, kuwaasi oo ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii ay u rasaaseeyeen haweenkaas oo haatan dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaalka Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia