![]() |
| Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti- Shiikh Shariif |
Shiikh Shariif oo uu hadalkiisa aad u kululaa ayaa wuxuu sheegay in ay soo baxayeen dhawaanahan Dad Gaal ku tilmaamaya ciddii aan fikirkooda aamisaneyn, wuxuuna sheegay in aaney taasi suurtagal noqon karin, “Dadka Soomaaliyeed waa Muslimiin wada Ahlu Sunno ah, mana jirto cid gaal lagu tilmaami karo iyadoo aan lagu heynin sifooyinkii Diinta looga baxayay, xitaa qoladan TFG-da markii aan isu nimid oo aan weydiinay waxa ay ka qabaan in Shareecada Islaamka lagu xukumo wadanka, waxay noo sheegeen in aysan taasi ka soo horjeedin”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
“Dadka mucaaradsan dadaallada xal-doonka ah ee aan wadno badankood gadaal ayay kaga soo biireen Maxkamadihii Islaamka ee aan hoggaaminayay, wixii aan isku baranayna waxay ahaayeen in aan Shareecada Islaamka dadka ku xukunno”ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in gacan la gooyo iyo qof xabad lagu dhufo kaliya aaney ahayn fulinta Shareecada Islaamka.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu mar kale ku celiyay in ay diyaar u yihiin in ay cid kasta ka qanciyaan waxyaabaha ay tabaneyso, xitaa haddii ay dan gaar ah wadato, wuxuuna caddeeyay in ay arrintiisa gooni tahay qofkii doonaya in uu dagaal sii wado, "Haddii aan la heshiinay dadkii dhibaatadan asalka u ahaa, ma jiraan wax diidaya in aan la heshiinno dadkii aan soo wada halgannay ee aan duurka wada galnay, annaga waxaan diyaar u nahay in aan siinno haddii ay xilal doonayaan, sidoo kalena aan siinno haddii ay dhaqaale rabaan"ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Hadalka uu sii daayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo tan iyo markii uu Isbaheysigiisa wada hadallada la galay Dowladda Federaalka ay soo baxayeen warar sheegayay in Shiikh Shariif iyo Isbaheysiga uu hoggaamiyo ay ku biireen Qolada Ridada, waa sida ay yiraahdaan dadka ka soo horjeeda siyaasadaha Isbaheysiga Dib u xoreyn garabka Jibouti iyo Dowladda Federaalka.
Si kastaba arrintu ha haatee, Shiikh Shariif oo Arbacadii aynu ka soo gudubnay soo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo uu muddo labo sano ah ka maqnaa ayaa wuxuu weli ka wadaa Hotelka Laf-weyn wada hadallo uu yeelanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir, isagoo kala hadlaya sidii loo dhaqangelin lahaa heshiis ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
