Khamiis, November 20, 2008(HOL):Maamulka DGPL ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in hakad ballaaran uu ku yimid shidaal qodistii ka socotay meelo ka mid ah Puntland gaar ahaan Dooxooyinka Dharoor iyo Nugaal.
Wasiirka Wasaarada Macdanta DGPL Xasan Cismaan Aloore oo saxaafadda la hadlay ayaa ka digay in la buun buuniyo waxyaabo aan jirin ,isla markaana loo baahan yahay xasilooni ka dhacda gudaha Puntland.
Hadalka ka soo yeeray Wasiirka ayaa yimid ka dib markii maalmo ka hor ay soo baxeen warar sheegaya in hakad uu ku yimid shidaal qodistii ka socotay meelo ka mid ah Puntland iyo in loo hanjabay shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka shaqeeya meelaha ay ka socoto shaqada Shidaal baarista.
Aloore Wasiirka Wasaarada Macdanta ee Puntland ayaa ka codsaday shacabka Puntland in maamulka lagala shaqeeyo arimahaasi, isagoo intaasi ku daray in fursado shaqo ay heli doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed mar haddii la soo saaro shidaalka.
Shirkada baareysa shidaalka Puntland oo lagu magacaabo African Oil ayaa dhawr jeer oo hore waxaa ka horyimid caqabado dhanka ammaanka ah, iyadoo hadda ka horna la af-duubtay mid ka mid ah shaqaalihii ka hawlgelayay Dooxada Dharoor ee Puntland, inkastoo markii danbe ay ku soo guulaysteen Ciidamada ammaanka Puntland in ay soo furtaan.
Maamulka Puntland ayaa ku adkaysanaya in la soo saari doono shidaalka, iyadoo uusan jirin amni sidaas usiii buuran oo ay isku halayn karaan shaqaalaha Qodaya Shidaalka,waxaase hubaal ah in aad loo adkeeyay amniga goobaha laga qodayo Shidaalka.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia