Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo xaflad sagootin ah u sameeyay Guddoomiyaha New Somali Generation oo 20 sano kadib Muqdisho booqasho ku tegay

Cabirka Farta

Guddoomiyaha New Somali Generation Sports and Culture- Cabdi Qani Jeenyo
Khamiis, December 11, 2008(HOL): Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa xaflad sagootin ah waxaa uu magaalada Muqdisho ugu sameeyay Guddoomiyaha New Somali Generation Sports and Culture Cabdi Qani C/llaahi Jeenyo oo dhawaan booqasho ku tegay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo uu ka maqnaa muddo 20 sanadood ah.
 
Cabdi Qani Jeenyo oo la hadlayay HOL ayaa Guddiga Olombikada Soomaaliyeed uga mahadceliyay qiimeynta weyn ee ay u sameeyeen, wuxuuna xusay in markii hore ay GOS Muqdisho ku casuuntay, haatanna ay sii sagootisay, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish,  Ku xigeenka GOS ee dhinaca Xiriirrada Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, Ku xigeenka GOS ee dhinaca Dastuurka iyo Gobollada Maxamed Axmed Colow (Xaaji Colow), Ibraahim Xuseen Roombe Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga  iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eenow.

Intaas kadib C/qani Jeenyo waxaa uu sheegay in intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho uu booqday xarumo ay leeyihiin Naadiyo kala duwan oo ka dhisan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo u badan kuwo Kubadda Kolayga ah, sidoo kalena waxaa uu tilmaamay in uu booqday Xarunta Naadiga Elman, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Mas’uuliyiinta Elman ee uu Muqdisho kula kulmay ay heshiis ku gaareen in ay iska kaashadaan horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.


“Runtii Safarka aan ku imid magaalada Muqdisho waxaa uu ahaa mid muhiim ah waayo waxaan hadda ogaaday wax badan oo iga dahsoonaa, waxaana ka mid ah in inkastoo uu dalka burbursan yahay hadana uu jiro dhaqdhaqaaq Isboorti oo u baahan in la horumariyo”ayuu yiri C/qani Jeenyo.

Bahda Isboortiga Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dibadaha ayuu ugu baaqay in ay soo kaalmeeyaan Naadiyada Isboortiga ee ka dhisan Magaalada Muqdisho, si gaar ahna wuxuu uga codsaday in qalab wixii ay heli karaan ay u diraan, “Ciyaartoy waa joogaan dalka, laakin ma heystaan taageero maaliyadeed iyo mid qalab, marka waxaan mar labaad iyo mar seddexaad ka codsanayaa Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool in ay kaalmeeyaan Kooxaha Isboorti ee ka dhisan gudaha Soomaaliya”ayuu yiri Guddoomiyaha New Somali Generation Sports and Culture Cabdi Qani C/llaahi Jeenyo.

“Naadiyada Isboorti ee ka dhisan gudaha Soomaaliya haddii aan caawinno ayaan annaga wax noqon kartaa, runtiina wey noo baahan yihiin waayo ma heystaan qalabkii ay u baahnaayeen si ay u noqdaan ciyaartoy tayo leh oo meteli karta Qaranka Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa ku sii daray C/qani Jeenyo.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia