Khamiis, December 11, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka wuxuu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu ahaa mid khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay.
Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Xoogagga Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Caga-dhiig iyo nawaaxiga Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigely, waxayna labada dhinac isu adeegsadeen hub culus iyo mid fudud.
Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha dagaalka ka soo gaaray dhinacyada uu dagaalka dhexmaray balse waxaa jira dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tageen madaafiicdii la isu adeegsaday.
Agagaaraha Baar Bakiin ee Degmada Howl-Wadaag iyo nawaaxiga Shirkadda Isgaarsiinta NationLink ayaa madaafiic ku dhacday waxay sababeen dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca dad kale oo ka badan 10 ruux.
Markii ugu horeysay ayaa saaka waxaa la arkayay Gaadiid Ambulance oo daabulayay dadkii ku dhaawacmay madaafiicdaas, kuwaasi oo si dhaqsi ah loogula cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Dhawaan ayay ahayd markii Hay’adda Life Line Africa ay shan gaari oo Ambulance ugu deeqday Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo aan heli jirin gaadiid si deg deg ugu soo gurmada marka ay dhibaatooyin soo gaaraan.
Dagaalka saaka ka dhacay Xaafadaha ka trisan Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo muddo todobaad ka badan aysan wax dagaallo ah ka dhicin magaalada Muqdisho iyo iyadoo shalay uu Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikha Shariif Shiikh Axmed oo muddo labo sano ah ka hor ay ugu dambeysay Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia