MAKI XAAJI BANAADIR: “Dadka mar kasta liida Magaalada Muqdisho waxaan u sheegayaa in aysan Muqdisho ahayn Aakhiro oo ay Adduunyada ka mid tahay”

Cabirka Farta

Abwaanka, Jilaaga, Heesaaga, Majaajiliistaha, Musikiistaha Soomaaliyeed Maki Xaaji Banaadir
Khamiis, December 11, 2008(HOL): Abwaanka, Jilaaga, Heesaaga, Majaajiliistaha, Musikiistaha Soomaaliyeed Maki Xaaji Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in uu farriin u dirayo dadka mar kasta sawirka qaldan ka bixiya Magaalada Muqdisho ee isugu jira Soomaalida iyo Ajaaniibta.
 
“Kuwo Magaalada Muqdisho liida waxaan u sheegayaa in aysan Muqdisho ahayn Aakhiro oo ay Adduunyadana ka tirsan tahay, dadkeedana ay nool yihiin, liiditaanka ay liidayaanna afkooda alle haku noqo”ayuu yiri Maki Xaaji Banaadir oo ka hadlayay Xaflad lagu furayay Xarun lagu xareynayo 10 Ciyaartoy oo ka tirsan Ciyaartoyda Ciyaaraha fudud ee Soomaaliyeed.

“Haddii Walaashaada Fadhi kugu salaanto, Seydigaana Jiifka ayuu kaa salaamayaa, maxaa yeelay haddii Walaashaa ay joogga kugu salaanto, Seydigaana waa kuu soo ordaa macaawista ayaa ka dhac-dhaceysa sida uu kuu qadarinayo aawgeed, marka waxaan ka wadaa haddii aaney Bahda Isboortiga Fadhiga ka kicin dalalka asaaggeena ah ee aan Isboortiga ku tartanno mar kasta waa nagu dhibco badsanayaan, taasna ceeb ayay nagu tahay”ayuu mar kale yiri Abwaan Maki Xaaji Banaadir.

Intaas kadib Maki Xaaji Banaadir waxaa uu ammaan u soo jeediyay Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud oo uu sheegay in uu qaaday tallaabo ku dayasho mudan oo kor u qaadeysa sharafta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, “maxaa yeelay tartamo caalami ah iyo kuwo heer gobol ah ayaan ka qeybgeleynaa, haddii aanan u diyaar-garoobinna guul kama keeneyno”ayuuna hadalkiisa ku sii daray.

“Mooska sidiisaba waa macaan yahay, laakin in qobkiisa lagu cuno kuma macaana, wuxuu ku macaan yahay in qobka laga fiiqo, sidaas oo kale Isboortiga sidiisa waxaa uu macno yeeshaa oo uu macaanaadaa marka ay Bulshadiisa, gaar ahaan kuwa wax heysta ay gacan siiyaan oo ay dhaqaalahooda ku bixiyaan”ayuu mar kale yiri Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo intii uu hadlayayay si weyn uga qoslinayay dadkii uu la hadlayay.

Ugu dambeyntiina, Maki Xaaji Banaadir waxaa uu mahadcelin u diray Halyeeyo Isboorti oo ka qeybqaatay xareynta Ciyaartoyda Ciyaaraha Fudud, kuwaasi oo kala ah Cabdi Bile Cabdi, Jaamac Karaaciin, Prof. Maxamed Cali, Maxamed Suleymaan iyo kuwo kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia