Sabti, August 09, 2008(HOL): Dr. Xasan Mahdi oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa wuxuu sheegay in aaney waxba ka jirin warar sida uu yiri ay shaaciyeen xubno Isbaheysiga Dib u xoreynta ka baxay oo Jibouti fadhiya.
“Waxaan beenineynaa oo aan caddeyneynaa in ay waxba kama jiraan yihiin warar ay baahiyeen qolada ka baxday Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Jibouti fadhida, kaasi oo ahaa in wada hadallo noo socdaan Annaga oo ah ah Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed iyo qolooyinka isaga baxay Isbaheysiga ee ku biiray dowlad-ku-sheegta xasuuqda Shacabka Soomaliyeed”ayuu yiri Dr. Mahdi oo HOL soo gaarsiiyay qoraal uu Asmara ka soo saaray.
“Waxaan idin leenahay Ilaahey uga baqa Wararka aan sal iyo raadka laheyn ee aad nooga been abuuraneysaan ee aad shaacineysaan, welibana aad ku marin habaabineysaan Shacabka Soomaliyeed iyo Beesha Caalamka” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Dr. Xasan Mahdi.
Dr. Xasan Mahdi waxaa uu sheegay in ay Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay u caddeynayaan in aysan jirin wax wada hadal ah oo si toos ah ama si dadban ugu socda Garabyada uu u kala baxay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee kala fadhiya Asmara iyo Jibouti, wuxuuna caddeeyay in uusan jiri karin wada hadal dhexmara labada dhinac inta buu yiri ay xubnaha Isbaheysiga ee Jibouti jooga ku laban yihiin Dowladda TFG-da oo uu ku eedeeyay in ay burburisay Masjidyo, isla markaana ay leysay Culimaa’udiin badan.
“Mabda’a Isbaheysiga waa Dib u xoreynta Soomaliyeed, xoojinta Muqaawamada iyo in aan waxba lala qeybsan karin Dowlad ku sheegta Mbagathi oo iyadoo dembiyo dagaal gashay uu gabalkeeda sii dhacayo”ayuu yiri Dr. Xasan Mahdi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia